Thursday, February 11, 2016

Taariikhda Degmada Baledxaawo


  • Edit

Beled-Xaawo

Magaalada B/Xaawo Geography ahaan waxay Dhacdaa Waqooyiga Gobolka Caanka ah ee Gedo oo ah Gobolka labaad ee ugu Baaxada Weyn 18 Gobol ee Soomaaliya waa Goob halboowle & Laf dhabar u ah ganacsiga Koonfurta & Bartamaha Soomaaliya waan Goob kulmiso Ganacsato kakala Timid Soomaaliya Kenya & Ethopia Taas oo kor Uqaaday Hormarka ganacsi ee Magaalada kana yeeshay Goob loo soo beec geeyo Badeecooyin kala duwan Xadaarad Ahaan waa magaalo kulmisatay Dhaqamo Luuqada & Xadaarada Kala Duwan taas oo ilbaxnimadeeda Ka dhigtay Mid Cirka isku Shareertay ayna Dheertahay Magaalooyin Badan oo Taariikh ahaan kafac weynaa.
Barigii Barwaaqada & Dowlada ay Jirtay daqliga B/Xaawo kasoo xaroodo wuxuu ahaan Jiray 13.5% Isku celcelis Daqliga Guud ee 92-da dagmo ee ay Soomaaliya ka koobantahay uu Soosaaro Sida Ku qoran Sida Ku Qoran manhajkii dhaqaalaha dalka gaar ahaana Somali Ecconomic Gearaphy oo lagu qaato Fasalka 4aad ee Dugsiga Sare ( Form 4 ) oo Tixraac loola laaban karo Cidii Mugdi oga Jiro Taariikhda & Ahmiyada magaalada  Xiligii Gumaystaha Waxaa Kuyaalay Saldhigyo ciidan oo uu Gamaystaha ka Samaystay Walow markii danbi Si naf la caari ah uu Xiray Kadib Markii uu ka soo hoysan waayay Dhaqdhaqaayo Gobanimo doon oo Si Madax Banaan Oga Jiray Deegaanka Kadib Taas oo Bulshada Deegaanka ay kudiiday hamigii Gumaystaha ee Ahaa in ay B/xaawo kamid noqoto Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya ee uu Gumaystihii Ingiriiska Hadayada u siiyay Dowladii Kenya.
 Horaantii Todobaatameeyadi Waxaa loo gartay Inay Noqoto Xarunta Gobolka Gedo balse Moogica ay Dhacdo oo ah goob Kulmiso Wadamo 3 Dal darteed ayaa Muda kadib looga Wareejiyay Inay Sii ahaato Xarun Goboleed waxaana laga Qaaday Sandii 1985 Xiligaas oo Wafdi uu horkacaayo Dr C/qaadir Xaaji Massle oo Ahaa Wasiirkii arimaha Gudaha ay Magaalada u Yimaadeen inay ka wareejiyaan Xarunta Gobolka oo loo baahday in laga Dhigo Magaalada G/hareey oo dhacdo Ubucda Gobolka Laakiin Taa badelkeedi Waxaa wasaaradii Ganacsiga ay u Caleema Saartay Magaalada inay Noqoto Xarunta Ganacsiga Koonfur Galbeed Soomaaliya In waxaa Markaasbo ka  hana qaaday Suuqyo Xor ah oo loo Soo beec Gayn Jiray badeecoonyinka Dalka ( National
Production ) Gaar ahaana Dalaga & Qudaarta oo Kaalin Muuqato oga jiray Waxsoosaarka Dalka oo inta badan Ka imaan Jiray gobolo Khayraadkaas alle Kumanaystay 
 Balse aan haysan Meelay u beec Geeyaan Goboladaas waxaa Kamid ahaa Bay, & bakool oo Caan ku ah dalaga kala duwan ee dalkeena kabaxo sida Galayda Shamuurayda & Digirta waxaa ayaguno Badeecooyin Ubadan Qudaar u soo Dhoofin Jiray Gobolada Jubooyinka & 2Shabelle oo ku Caan baxay Dhinaca Qudaarta Goboladaas Waxaa la oran karaa Wax soosaarkooda inuu Kordho Gaarana Heersaro waxaa Sabab u ahaa B./xaawo oo Noqotay halka lagu kala badasho badeecooyinka Sidoo kalana Gobalada dalka ay ka helaan Waxay oga baahanyihiin wadamada Kenya & Ethopia oo Aan Ka xusi karo waxa ka imaado dhanka Kenya Joodariyaal, Saabuunaha, Qaadka  & Dawooyinka Caafimaadka lagu dabiibo halka Itoobiyana ay kayimaadaan Baradhada oo Ciriiri ku ah dalkeena Basasha Xawaajiga Toonta bunka & Guud ahaan Walxa Cuntada lagu Carafsado Waxaana kamaneen Badeecada Itoobiya Ka imaado Suumanka kabaha oo Nooca haraga ah Markaan Isku Soo wada Duuduubo Ahmiyada Ganacsi ee B/xaawo waa Soo dhoofin & sii dheefin Waxa Loogu Yeero Erey Bixinta Dhaqaalaha ( Import & Export ) Hasa ahaatee Magacaas & Muuqaalka Deegaanka B/xaawo & Qiimaha ay Bulshadeeda ugu fadhido waxaa diiday oo Miimka u Cuyskadaya Mayana Yiri waa kuwo aan garan dantooda & tan Deegaankooda Marwalibana Lasafan Cadowga alle & Kan Umada Soomaaliyeed Damiirkoodana uusan lahay Sariig Mar walibana waxaa loo adeegsadaa burburinta Deegaankooda Magac ahaan & Jir ahaan ay ku abtirsadaan laakiin Caqli ahaan Damiir ahaan & Wadaniyad ahaanbo aan la oran karin waa cadow mooyee kuwaanaa ka dhashay Bulshada La gumaadaayo lana Xasuuqaayo Colaadiha Iyo Siyaasadihii Soomaray Deegaanka B/xaawo :
Magaalada oo ah Goobta ugu bulshada Badan Gedo lehna ahmiyada Deegaan & mid Ganacsibo waxaa Soo maray Colaado daba dheeraaday oo daashaday Bulshada Deegaanka hadaan Dib uyara Jeleeco Colaadahaas waxay ahaayeen ku la isaga horkeenay Bulshada walaalaha ah ee wada dagto guud ahaan Gobolka gaar ahaan B/xaawo oo hubka la isugu dhiibay Dagaaladaas hadaaan intaa Xusuusto oon goob jooga u ahaa & intay Taariikhda ibartaybo aan Tixraac kusameeyo: Sandii 1977: waxaa magaalada Soo duqeeyay Ciidamadii Itoobiya waxaasa u babac dhigay Ciidankii qaranka oo Xero Militiri ku lahaa Duleedka Magaalada oo Jug waliboo lagu dhufto B/xaawo & dhul Xuduudeedka Gedo la leedahay Itoobiya Sida Deegaanka Dolow Jawaabteedi bixinaayay taas oo ka dhigtay Umuurta Qaniiyo Qaniiyaa kaa fujiso loogana nastay jugtii itoobiyo oo aan u turayn Bulshada Reer Soomaaliyeed ee Fiirinayso Dhibkii Soo gaaray Bulshadeeda ku dhaqan Gudaha dalkeeda oo waxyeelo ka soo gaartay Jawaabtii ay Ciidamadii qaranka Soomaaliyeed siiyeen. Sanadii 1991: waxaa Gabi ahaanbo Gobolka oo ay B/xaawo ku jirto la wareegay Ciidamadii USC ee uu horkacaayay Gen. caydiid & Isbahaysiyadii Ka soo horjooday Dowladii Soomaaliyeed B/xaawana waxaa kamid ahayd Goobihii Sida ba’an gacanta la iskula tagay oo Bulshada Deegaanka & Ciidamadooduba ay isaga Dulqaadeen Dulmigii USC ee ku salaysnaa Qabyaalada & Dowlad diidka Xiligaas waxaa Deegaanka Cardun ku ahaan oo Islamagaalada B/xaawana Xarun u ahayd Ururkii Somali National Front (S N F) oo Bulshada Deegaanka ay u dhisteen inay ku midoobaan waxaana Ka Tirsanaa Ururkaas rug Cadayaal Siyaasadeed oo Mug & Miisaan Culus kulahaa Siyaasada guud ee Soomaaliya waxaana Gudoomiyaha Ururka loo doortay
Cumar Xaaji Masalle oo ah nin Jagooyin kala Duwan ka soo qabtay Dowladihii
Soomaaliya ahna Xeerbeerti Dhanka Culuumta Caskariga ah Halka Gudoomiye K/Xigeenana Loo Doorta 3 Nin oo aan ka dhicin asaga oo Mug & Miisaanbo kulahaa Siyaasadii Soomaaliya oo kala ahaa:
1. Maxamed Cali Cabdi oo ahaa nin jagooyin kala Duwan kasoo qabtay Dowaldihii dalka
Soomaray Markii Ugu danbaysayna ahaa Gudoomiyaha Xisbiga hanti wadaaga Qaranka
Soomaaliyeed oo lahaa awood baarlamaani oo kale
2. Maxamuud Khaliif Shire oo asna ahaa Rug cadaa Siyaasi ah Jagooyin Qarana Soo qabtay
3. Dr Cali Nuur Mukhtaar oo ahaa aqoonyahan Siyaasi Mug weeyn Darajo aqooneedna Xambaarsanaa 
isla Xiliyadaas waxaa sidoo kale ka socday Deegaanka Dhaqdhaqaaqii Islaamiga ahaa ee Al-Itixaad oo awood ahaan & muuqasho ahaanbo ka sareeyay kii SNF waxay ku Guulaysteen inay Deegaanada Waqooyiga Gedo ee looyaqaano Daawo ka dhigaan Dhul nabdoon lehna Aasaasiyaadkii Bulshada Sida waxbarashada Caafimaadka & Adeegyadii gargaarka Bulshada oo Xiligaas ka soo kabanaysay Raadkii Colaadihii USC-da ee ka sii Muuqanaayay Deegaanka Ururkaasi waxaa Garwadeen ka ahaa rag u dhashay Bulshada Reer Gedo Waxaa Gudoomiye u ahaa Sheikh Maxamed Xaaji Yuusuf kuxigeena waxaa u ahaa Sh Maxamuud M Nuur raximahulaahu Calayhi Magaalada waxay ka hirgaliyeen Iskuul Hoose &  Dhexe oo lagu waday in loo sameeyo Dugsi Sare tayada Macalimiintaas oo u badnaa kuwii qaranka ayaa la isugu yeeray ayadoo Tasjiilaadka & Dhaqaalaha ku baxaayana uu ahaa mid laga keenay Bulshada Caalmaka Gaar ahaan Islamic Bank taas oo Bulshada Fursad u siisay Waxbarasho lacag la’aan ah ( Free Education ). Dhanka kale waxaa Jiray adeegyo caafimaad oo ayaguna lacag la’aan ah balse bartamihii 1996 ayaa Dowlada itoobiyo oo kadamqatay Hormarkaas & nadabada Deegaanka kusoo qaaday Weerar aan gabsho lahayn oo la oran karo waa aarsi salka ku hayo Jabkii Ciidamada soomaaliyeed u gaysteen 1977 ayadoo Deegaanka Dolow dhulka la sintay halka Luuqna ay Diyuurada ku rushaysay kumaysan sii dhiiran karin inay Joogto deegaanka oo ma aysan haysan Dhiiro galin kaga timid Bulshada Deegaanka oo maalin qura markay haysatay way kalaabatay deegaanadi ay soo weerartay oo qorshaheedu ma ahayn inay sii haysatee wuxuu ahaa carqal & qalqal galin Waxaa Markiibo Saaxiib helay rag ku dutinaayay Il boocbooc ah oo aan haysan Meelay Mucaawino karaadsadaan qasna lamaaganaa Dadkooda & doogaankooda waxaana Markiibi Gacan saar layeeshay Itoobiyo Garab kamid ah SNF oo uu hormuud u yahay Cumar Xaaji masalle halka Ragii ku xigeenada u ahaana ay ka biya diideen Gumaadka Reer Gedo Ciidamo ayuu uruursaday Tababar & Saanadna waa loogu deeqay Mudo kadib Markii uu dhamaaday Tababarkii cadowga uu ku duminaayay Nuurka & Nabada ka jirto Deegaanka waxaa soo Duulay Horaantii 1997 Ciidamo Soomaali ah & Itoobiyaan ladagaalamay Al-itaxaad oo Gobolka gaarsiiyay wax un hormar ah Maalintas oo Khamiis ku beegnayd Sabtidina aan isku diyaarinaynay Imtixaankii Termka ayaa Cagta lamariyay aydoo Maktabdo Dhoor ah oo Cilmi baarid loo tagi jirayna ay burburyeen gubeena agabkii Waxbarsho ee yaalay waxaa noo Curtay waa Cusub Waxaa noo bilooday Gumaytihii aan 37 Sano kahor Mudo ku beegnayd Maxaysa Dhaxleen Ragii Saaxiibka ka dhigtay Itoobiyo Gumaad Shacbi kadib ayagii ayaa midmid la isugu diray ilaa ay gaareen heer aysan qaadan karin talada Deegaanka ilaa Dablayaasha Itoobiya ay soo ansixiyaan Gunimadaas waxaa u dheeraa Gumaad lagu hayo dadkooda oo aysan kadamqanayn ayadoo Magacyo loo bixiyay ay Mid ahaayeen Copy Amxaaro halka Ninkii watayna loo bixiyay Cumar haadhig wuxuu waqtigi isguraba Dabayaaqadii waxaa daaqada ka baxay Gen/ Cumar Xaaji oo Si niyad Jab ah oga tagay B/xaawo dabayaaqadiii 1998 waxaa dhacay Shirkii Taariikhiga ahaa ee Dib u heshiisiinta oo ka dhacay Magaalad Ceelcado oo Bulshada Reer Gedo ay aayahooda oga tashnaysay la iskuguna keenay Ragii hubka iskala soo horjeeday Muda kadib waxaa Magaalada amin galab ah Abaare 4tii galabnimo Soo galay wufuudii Shirkaasi oo ay si wayn oga dhex muuqdeen Garabkii SNF uu horkacaayay Dr Cali Nuur iyo Nuur Mataan Biriq & Garabkii Al-itixaad oo aan loo Ogolayn Magaalooyinka Gobolka ayagoo Ay kamuuqato Diiftii Safarka Boorkuna qariyay wajiyadooda & Baabuurti ay wateen ayaa waxay Fagaaraha Saldhiga Booliska kula hadleen Dadkii ugu badnaa ee aan abid arko oo Reer B/xaawo ah oo ka qaybqaadanaayo Soodhawayn Ceenkaas ah Ayagoo ku hubaysnaa Caleemo qoyan Cagaarna ah Hooyooyinku afkooda kama Dhamaanayn Alalaaska Gacantooduna kama Daalayn Gurbaan tunka waxay ragii Sheegeen inay soo Afjareen Colaadii Gobolka Bulshaduna waxay Sugaysay Isbadal & Maamul hormar gaarsiiyo Maaase dhacay Subixii Xigtay ayaa Saraakiil itoobiyaan ah oo Kusugnaa Magaalada u yeereen Dr Cali Nuur iyo Nuur Mataan Biriq kuna amreen inuu kalaabto Heshiiskii Ceelcade waasa ka dhaga adeegay Kadib Taliskii ugu Weynaa ee Dolow ayay Warbixin Siiyeen waxaan Cali Nuur iyo Nuur mataan lagu amray inay Yimaadan Dolow waxaayna ka xaystayn Odayaashi dhaqanka oo uu  ku jiro Ugaas Cumar Ugaas Xirsi & Ugaas Sh Maxamed Xaadle & Siyaasiyiin Caan ah & Qaybo kamid ah Qurbojoogtii Magaalada itoobiyo waxay soo hordhigtay in laga noqdo heshiiskaas waasa lagadiiday waxaas cali Nuur iyo Nuur Mataan Biriq lagu qanciyay ka noqshada heshiiskaas oo ay ka dhaadhiciyeen Saraakil Itoobiyaan ah & kuwii SNF ee Diidanaa Nabada 7 bari kadi ayaa waxaa Shir isla fagaarihii B/Xawo ku qabtay Ciise Ugaas oo katirsanaa SNFtii Gacansaarka lala hayd Amxaarada & Dr Cali Nuur  iyo Nuur Mataan oo waji kale la soobaxay waxayna ku dhawaaqeen inuusan Heshiiskaas Jirin ilaa Al-itixaad Hubka dhigaan taasoo hal bacaad lagu lisay kadhigtay dadaalkii reer Gedo horaa Bilooyin unbaa kasoo wareegtay Marki ayagii Saaxiibka ay Amxaaro Qoorta isku galisay ila aaqirkii laba garab ay noqdaan waxaa Bishii April 1999 isku gacan saaray Xarunta kastamka Garabyo kala taabacsan Xaaji Yuusuf Muuse Cali & Xasan Deer oo kukala magacoownaa Gudomiyaalka B.xaawo & Dolow oo Siyaasad ahaan u janjeeray ninkii Biyaha La raaciyay ee Cumar Xaaji ahaa & Garab daacad uu ah Cali Nuur iyo Siyaasi Nuur Mataan Biriq oo taageero ka helaayo Itoobiyo waxa la isku haystayna waxay ahayd Mucaawino Dadka u socotay canshuur halaga qaado & Lagama qaadaayo waxaa goobtaas ku Ruqbaxay Cali Nuur G/k/xigeenkii SNF Xasan Ugaas G/Baardheere waxaana dhaawac Culus ka soogaaray Khaliif Qoryooleey oo Siyaasiyiinta Deegaanka kamid aha Amxaaradii intay Xabada dhacaysay Dhufeeskeedi kama soo bixin markii la isku faraxashayna waxay u timid inay Garab kamid ah ragii Dagaalamay hubka ka dhigto waxayna Xabsi ku Xukuntay Xasan Deer Gudoomiyhii Dolow aydoo qaaday Baabuur dagaal oo uu lahaa Xaaji Yuusufkii B/xaawo hubkana Kadhigtay Ciidamo uu watay Col C/risaaq isaaq biixi wixii Maalintaas ka danbeeyay waxay ahayd Halaagii Bulshada Reer Gedo Guud ahaan Gaar ahaana b/xaawo oo Xabad kaste ka bilaabanaysay1999-2003 B/xaawo waxay magan u ahad dagaalo wajiyo badan lahaa Kuligoodna ay & Itoobiya soo maleegtay balse Bulshada Deegaanka oo ka daashay isdil waxay go’aan ku gaareen inaysan marnaba Dhagaysan hadalka Itoobiyo Magaaladana waxaa ka hana qaaday Maamulo isxigxigay oo Si Jamaaci ah loo soo doortay waxaa Kamid ahaa Maamuladaas Aabaha nabada B/xaawo Gudoomiye Axmed M Yuusuf ( Burkuus ) oo si rasmi ah loogu xoola qalay looguna Caana Shubay Sanadii 2004 waxaa Magaalada Kajiray Guurti Nabadeed oo uu Hormuud ka ahaa Ugaas Xaadle Aabaha Nabada Deegaanada Gedo waxaa ka hana qaaday Dhaqdhaqaayo Bulshadeed Sida Ururo Dhalinyaro & Kuwo haween Nabadu waa Furaha Noloshee waxay socotaba waxay gaartay heer doorasho Xor ah ka dhacdo & Guud ahaan Gobolka oo dhan Sanadii 2007 waxaa hareeyay magaalada Olalihii Doorashada mamulka Gobolka oo la oran karo waa Goobta kaliya ee uu ka socday waxaa Darbiyaasha Ku xardhanaan Sawirada Raga utaagan Jagada Gudoomiyanimada Goobaha Wax lagu Daabacanawaxay la Ciirciirayeen Rag Qoranaayo C.V-yo waxaa dabayaaqadii Sanadkaas ay dadka Reer B/xawo u dareereen Codbixintii Gudoomiyaha Waxayna Si aqlabiyad leh u doorteen Golihi deegaanka ee Mataalay Bulshada Mudana Burkuus Nabadii ayaa sii istaagaty Hormarkii ayaana Sii balaartay balse 2009-kii ayaa waxaa magaalada Soo gaaray Firxadkii Ururkii Burburay ee Dooxada Jubba uuna Horkacaayo Barre Hiiraale wuxuu ka Codsaday Golihii Guurtida & Maamulkii Burkuusba inay Ku taageeraan Cudud Ciidan & Dhaqaale uu ku weeraro Kismaayo waasa laga diiday oo waxaa loogu Jawaabay Bulshada Reer Gedo waxaysan u dhamayn lagama Fulinaayo Baladxaawo waxaa Markiiba ku daba Jiray Dagaalyahanidii Alshabaab oo baacsanaayay asagii waxay la wareegeen Magaaladii maamulkii Burkuus wuxuu la hor istaagay Quwad & Qori waxaysa ka dhaadhiciyeen in nabadii uu keenay aysan marnaba baaba’ayn wuxuuna jagadii Gudoomiyanimada Ku badashay nabad waxaa isla sanadkaas soo weeraray Magaalada barre Hiiraale oo tagay ilaa & Garbahareey balse aan ku nagaan asaga iyo saaxiibadiis Itoobiyana Dib ayay oga soo baxeen, wixii inta kadambeyey magaalada waxaay gacaanta ugashay kooxda Alshabaab oo Maamuleysay mudo 3 sano waxaana magaalada soo weeraray ciidamada Ahlusuuna iyo ciidamada Dowlada Soomaaliya oo dhinac ah waxaana ciidamada Dowladda hogaaminayey Abaandule Maxamud Cabdi Nuur (Beexaani) waxaayna gacaanta kudhigeen magaalada Baledxaawo waxaana Dowladda Federaalka Soomaaliya Maamul kumeel gaar ah umagaacawday Nuur siyaax Xareed oo magaalada kusameeyey isbedel dhinacyo badan oo latabaan karo sida dhinaca Amaanka oo magaalada ay noqotay magaalo Nabadeed,intaas kadib dowladda Federaalka Soomaaliya Maamul Rasmi usoo magacowday Maxamud Abdi Nuur (Beexaani) oo sargaal dhinaca ciidamada ah oo qeyb weyn kaqaatay sidii ciidamada Kooxda Alshabaab loga ciribtiri lahaa dhamaan Gobaladda Soomaaliya, waxaan Xaflad Qurux badan oo xilalka lakula wareegayey lagu qabtay Gudaha Degmada Baledxaawo, waxaa kasoo qeyb galay dhamaan masuuliyiinta Gobalka Gedo,Qeybaha Bulshada,Aqoonyahanada,culumadiinka, Dhalinyaradda iyo Hooyooyinka waxaana meesha kahadlay Gudoomiyaha Degmada Baladxaawo Nuur Siyaax Xareed oo si Geesnimo leh ugu mahadceliyey Dowladda Federalka,Masuuliyinta Gobalka Gedo iyo qeybaha kale ee Bulshada asagoo ugu mahadceliyey wadashaqeyntii dhexmartay waxuuna meesha xilka ugu wareegiyey Gudoomiye Maxamud Cabdi Nuur (Beexaani) waxuuna ugu baaqay dhamaan Masuuliyiinta iyo shacaabka Degmada inay si fiican ulashaqeeyan Gudoomiyaha Cusub ee Dowlada Federaalka usoo magacawday Maamulka Degmada Baledxaawo, intaas kadib Maxamud Cabdi Nuur Beexaani waxuu iskugu yeeray dhamaan dadka deeganka una usheegay inuu maamulkiisa wax weyn kaqaban doono arrimaha amaanka iyo sidii uu kumideyn laha dadka deeganka oo marxaladdo badan oo dagaalo soo maray waxuu isbedel muuqda oo dadka deegan ugu riyaaqeyn kasameeyey Degmada Baledxaawo waxaana xusi  doonto Taariikhda, Gudomiyaha ayaa xilka kuwareegiyey Ex Xildhibaan Yusuf Kaanti oo hadda gacaanta kuhaya maamulka degmada Baledxaawo waxuuna si aad usoo dhaweyey Maamulka cusub dadka degaankana ugu baaqay inay lashaqeeyaan Gudoomiyaha Cusub.... Taariikhda waa mid sii soctoo............

Tuesday, February 2, 2016

Beesha Fiqi Yaquub oo kasoo horjeysatay Nidaamka 4.5.


Waxgaradka Beesha Fiqi Yaquub,Sade Darood  oo isugu yimid shir Tele-conferenka oo kasoo qeyb galayn dhamaan aqoonyahada siyaasiyinta dhalinyarada iyo Haweenka oo kukala Nool dhamaan daafaha dunida sida Africa,Australia,Asia,Europe iyo North America  ayaa kasoo horjeestay in dowladda soo socota sanadka 2016 lagu dhiso hanaanka qabiilka ah ee 4.5.
Waxay  beesha Fiqi Yaaqub Sade Darood ay waxaa kadigaayaan in Soomaaliya mar kale dib loogu celiyo in qabiil wax loogu qeybiyo ayna wanaagsanaan lahayd qaabka degmo oo ay u arkeen in xal wanaagsan uu yahay, waxaana kadigeeyn in fidno kadhalato nidaamka xaq daradda ah ee aan wanaagsaneyn. 
Nabadoon Abdulahi oo ka mid ah waxgaradkaasi kushiray Tele-conference ayaa sheegay inay muhiim Tahay in beelaha Soomaaliyeed ay hal meel ugasoo wada jeestaan Nidaamka 4.5 ee Xaqdarada ah.

Wednesday, January 27, 2016

Lafaha Qabiilka Mareexaan iyo Soomaali

Lafaha Qabiilka Mareexaan iyo Soomaali

Maadama Soomaalida aysan horay u ahayn ummad raad qoraal ka tagta, dhismaha qabiilka iyo lafaha mas sugna oo cidi kitaab kuma mari karto ha yeesheen aqoon afeed ayaa la iskugu soo gudbiyay jiil ilaa jiil. Jilbaha laga soo minguuriyay buug Bangiga Aduunka ayaa sidan u dhigay; World Bank's Conflict in Somalia: Drivers and Dynamics from 2005 and the United Kingdom's Home Office publication, Somalia Assessment 2001.[7][8]
  • Sade Daarood ayaa waxa uu dhalay
    • 1. Mareexaaan
      • 2.Facayo
Beel weynta Mareexaan sade ayaa u kala baxda sidan
1-Awsame Mareexaan
2-uurmidig Mareexaan
Beesha Awsame mareexaan ayaa u kala baxda
1-Xasan gaashireedle
2-Isxaaq Gaashireedle
Beesha Isxaaq gaashireedle ayaa usii kala baxda 4ta ilma Ammaan reer.
1-Maxamed Ammaanreer (Wagardhac)
2-Hawraarsame Ammaanreer
3-Talxe Ammaanreer
4-Raadamiir Ammaanreer
Hawrarsame Amareer ayaa u kala bax:
1.Adan Saleeban
2.Maxamuud Saleeban
3.Reer Iidoow
Raadamiir Ammaanreer ayaa Dhalay
Warwaajecle Raadamiir
Warwaajecli ayaa ukala baxa laba lafood oo kala ah
1-Daa'uud
2-Soonfure
3-Maamasame
Daa'uud ayaa u kala baxa
1-Maxamed Daa'uud
2-Celi Daa'uud
Maxamed Daa'uud ayaa dhalay 3da ilma Maxamed Daa'uud oo kala ah
1-Cali Maxamed (Cali dheere)
2-Cismaan Maxamed (Reer Cismaan)
3-Ciis Maxamed
4- Yuusuf Maxamed ( Reer Yuusuf)
Beesha Ciis Maxamed Ayaa Ukala Bax
1-Habar Ciise
2-Fiqi Yaaquub Ciise
3-Mataan Ciise
4-Yuusuf Ciise
Beesha Fiqi Yaaqub Ciise ayaa ukala baxda
1-Ali Hassan
2-Gadiid Hassan
3-Jiir Hassan
Beesha Mataan Ciise ayaa u kala baxda
1-Yuusuf Mataan
2-Garaad Mataan
Yuusuf Mataan ayaa dhalay Xuseen Yuusuf.
Beesha Xuseen Yuusuf ayaa ukala baxda 5ta ilma xuseen oo kala ah
1-Siyaad Xuseen
-Reer Faarax Siyaad
-Reer Siyaad Cigal
-Reer Buraale
-Reer Jimca Doon
-Reer Odoowa
-Reer Liiban dalal
1-Axmed xuseen
3-Yabar xuseen
4-Cali Xuseen
5-Khalaf Xuseen
Khalaf Xuseen Ayaa kala ah
1-Baha Guuleed
2-Sharmaarke Khalaf
Sharmaake Khalaf ayaa dhalay Samatar sharmaake
Samatar Sharmaarke ayaa Dhalay Faarax Ugaas
Beesha Reer Faarax Ugaas ayaa u kala Baxda 5ta ilma Faarax ugaas oo kala ah
1-Samatar Faarax
2-Diini Faarax
3-Rooble Faarax (Rooble Dhagaweyne)
4-Guuleed Faarax
5-Xirsi Faarax
Beesha Reer Ugaas Diini ayaa u kala Baxda 12-jifo oo La isu Raaciyo 3bahood
oo kala Ah....
1-Bah Ogaadeen
2-Bah Daarandoolle
3-Bah Xawaadle
Bah ogaadeen Ayaa Ukala Baxda 3 ilma Diini ah oo dumaal ku dhalad ah iyo laba ilma Rooble Faarax ah
  • 5taas ayaana kala ah sidan
1-Sharmaarke Rooble Dhagaweyne
2-Khalaf Rooble Dhagaweyne
3-Xirsi Diini
4-Maxamuud Guuleed Diini
5-Dalal Diini
Bah Xawaadle ayaa u kala baxda 3 bahood oo kala ah
1-Warsame Diini
2-Siyaad Diini
3-Ugaas Sharmaarke Diini
Bah Daarandoolle ayaa u kala baxda 6 bahood oo kala ah
1-Nuur Diini
2-Kooshin Diini
3-Shirwac Diini
4-Warfaa Diini
6-Khaliif Diini (Khaliif Gowracane)

BEESHA MAREEXAAN SOMALIA

MAREEXAAN SOMALIA- AF SOMALI

Mareexaan



Ka Wikipedia


U bood: gooshitaanraadi

Mareexaan ama Marehan bin Axmed bin Cabdiraxmaan bin Ismaaciil bin Ibraahim al Jaberti) waa qabiil ka mid ah qabiilada soomaaliya.Waa mid ka mid ah qabiilada uugu laan dheereysan beelaha dega Somalia iyo Daaroodba, oo ka sii ah Sade midowga.
Mareexaan waxaa ka dhasahy madaxweynihii hore Somalia AUN marxuun Maxamed Siyaad barre, Geeridii Siad barre ka dib waxay ku dhawaaqeeen laba maamul oo lagu kala magacaabo Jubballand iyo Somali Central State,waxaana hadda degaanadaas qaarkood maamula Ahlusuna iyo Shabaabka.
Intiisa badan Mareexaan wuxuu ku noolyahay gobollada Jubbada HooseGedo and Jubbada Dhexe (gobolka) ee koonfurta galbeed Soomaaliya, gobollada dhexe ee Galguduud iyo Mudug, gobolka Somaali Galbeed ama Ogaden, iyo dhanka xaduud beenaadka North Eastern Province.

Qoraalka gudaha oo kooban

[qari]

[Wax ka bedel] Taariikh

Hadal hays ama qoraalkii ugu horeeyay waxaa so xigtay fidinta Masiixiga garbaka Katooliga eeJesuit Jerónimo Lobo, kaas oo isku dayay inuu lug ku galo Itoobiya isaga oo kor iyo waqooyi u soo raacay Jubba River sanadkii 1624. Wuxuu bartay qoom la yiraah Maracatos, kaas oo dhuljeexii C.F. Beckingham uu ku xaqiijiyay Mareexaan, markii dambana ay ku go'aamiyeen qiyaasta iyo xaqiijinta inay isku yeesheen Qabiil Soomaali .[1]

[Wax ka bedel] Suldanadii Mareexaan

Qarnigii 17aad ilaa 18aad, Saldanada Mareexaan waxay ku baahsanayd bartamaha Webiga Jubba laga soo bilaabo Baardheere, Luuq ilaa gobollada dhexe. Mareexaan Ugaasyadooda waxay ka talin jireen inta xeebta gacanka Cadmeed ilaa dhulka Sool kuna soo rogan koonfur ilaa Baladwayne.
Berigii hayaanka koonfureed uu bilowday bartamihii qarnigii 18aad, wuxuu Mareexaan gaaray ilaa Webiga Tana ee dhaca gobolka Waqooyi Bari ee dhulka Soomaalida Kiinya. Gumeystayaashii Yurub waxay qariiradahooda ku muujisteen dhulka Jubbaland ilaa soohdlinta Shabeele in Mareexaan deganaa.[2]
Dhanka buuralayda Itoobiya waxaa Mareexaan uu gacansaar iyo gaashaanbuur la lahaa Fardoolayda Geri iyaga oo si wada jir ah Jigjiga iyo Kufaa awood balaaran ku yeeshay. Taariikhda waxaa intaas dheer oo ay xusaysaa in xukunkii dhulkaan uu in badan gacanta ugu jiray Mareexaan.[3]


[Wax ka bedel] Mayrax

Marka loo eego qoraalo tixraac leh, ereyga 'Myrrh' inuu ka yimid ama laga soo dhiraandhiriyay Mareexaan ayaa suurtogal ah.

[Wax ka bedel] Lafaha Qabiilka Mareexaan iyo Soomaali

Maadama Soomaalida aysan horay u ahayn ummad raad qoraal ka tagta, dhismaha qabiilka iyo lafaha mas sugna oo cidi kitaab kuma mari karto ha yeesheen aqoon afeed ayaa la iskugu soo gudbiyay jiil ilaa jiil. Jilbaha laga soo minguuriyay buug Bangiga Aduunka ayaa sidan u dhigay;World Bank's Conflict in Somalia: Drivers and Dynamics from 2005 and the United Kingdom'sHome Office publication, Somalia Assessment 2001.[4][5]
  • Darod (Daarood)
    • Mareexaan'
      • Howrarsame
      • celi dheere
  rer axmed 
 rer siyaad xusen
 rer cismaan
***rer yuusuf maxamed
celi
 habar ciise
 wagar dhac
 reer xasan
 rer garaad
 fiqi yaaquub
 uurmidig
 ina nuur
talxe
   rer faarax ugaas
   sharma,arke rooble faarax
   rer guled faarah
   rer xirsi faarax
      • Reer Dini faarax
   Bah Ogaden
   rer dalal
   rer xirsi
   rer maxamuud guled
   Bah xawaadle
   rer siyaad
   rer warsame
   rer ugas sharma,arke
   Bah Dalan doore
   rer kooshin
   rer nuur
   rer warfaa
   rer maxamuud
   rer farah
   rer shirwac

   
   
Deegaankoodu waa Baardheere,Garboharey,Buurdhuubo iyo Tuulo barwaaqo


  •       Beesha Fiqi Yaaqub 

 Beeshan waxaay deegaankooda Uu yahay degmada beledxawo. Doolow. ceelwaaq. Garbahaaray. Tuulo Barwaaqo Gubadhiya,Kismaayo, Cabudwaaq,Balanbal,sida oo kale beeshan waxaay qeyb kadegaan Kenya iyo Itoobiya, waxaayna kamidyihiin beelaha ugu Taayada Fiican marehan.
      • Reer Xariiro waa qabiil tiro yar laakiin tayo badan
Deegaankoodu waa Ceel-Cadde B/xaawo Tuula Barwaaqo B/dhuubo Garbahaareey iyo Baardheere
      • Beesha Howrarsame waa beelaha ugu balaaran Gobolka Gedo uguna tayada fican deegaankooda waa beledxawo. luuq. ceewaaq. bananey. nusdariiq.hareeritur iridda waana beesha ugu weeyn marehan
        • Reer Axmed
    • Reer axmed (axmed weyd)
Deegaankooda waa Doolow, Luuq iyo Dhamaso Ceelwaaq oo Gedo.
      • Rer Hassan
Deegaankoodu waa Buurdhuubo,Garbo harey,iyo Tuulada Golwayn
      • cali Dheere: Wuxuu u kale baxaa sida tan rer shiiq, Reer Quule,reer Muumin,Reer siyaad diini,reer Aadan Buraale
Deegaankoodu waa Beled Xaawo,Ceelwaaq, Dhamaso,Gadoondhawe iyo Kismaayo caabud waaq,dhuso mareb,gelin soor,Balan balle,iyo dhulka itoobiya maamusho e soomaalida

[Wax ka bedel] Ururada Siyaasadeed

beesha reer yuusuf maxamed dagaanadooda waxaa ka mida galgaduud kililka shanaand gedo banaadir jubada hoose iyo kenya
== Dadka Caanka ah ee Mareexaan inta laga qoray oo kaliya== XAAJI ISMAACIIL MACALIN CUMAR, SHEEKH CALI NUUR SHEEKH CABDISALAAN sheekh maxamuud sheekh daahir WADAADADA diinta aad loogu xushmeeyo col. sahal sheekh daahir sargaal sare cidamada xooga iyo bolice ka ka soo shaqeeyay madaxna ka ahaa bolice dagmada b/xaawo
  • Col. Abdi Abdulahi (KULULI)-Madaxa ciidanka xooga dalka Somaliyeed dhinaca Gobolada Koonfureed
  • Mudane Aadam Hassan Abdirahman (Zaki) Danjiraha Somalida u jooga Ururka Waxbarashada ee dunida Carabta Alecso
  • Col. Jamal Xasan Saray. Hogaamiyaha ugu sareeya Ciidanka Milatariga ah ee Gobolka Gedo 2011- ilaa hada
  • Mohamed Siad Barre, the Head of State of Somalia from 1969 to 1991.
  • Nur ibn Mujahid, second Conqueror of Ethiopia and the Patron Saint of Harar
  •  Yussuf Maradoon Ali, prominent poet 
  • [[Shire Jaamac Cilmi Oo ahaa abaanduulihii gedo qabtay
  • [[Shabeel Cilmi Oo adeer u ahaa shire jaamac oo ah halgamaa soomaaliyeed
  • [[ Shire iyo Shabeel
  • [[ Dalal Jaamac shire jaamac Shabeel cilmi
  • Ali Shire Warsame, MP (SYL) of DhusaMareb in the 1960s and a famed businessman.
  • Ahmed Abdullahi Gulleid, columnist, writer, and researcher
  • Barre Adan Shire Hiiraale, military stategist, JVA Leader, Defence Minister (2006–2007)
  • Ahmed Farah Ali 'Idaja', one of the first Somali language writers and "father" of the Somali written folklore
  • Fatimo Isaak Bihi, first Somali female ambassador, Ambassador to Geneva, Director of the African Department of the Ministry of Foreign Affairs
  • Abdulrahman Jama Barre, Somali Foreign Minister and close relative of Siad Barre
  • Aden Ibrahim Aw Hirsi Author, Politician - the Governor of Gedo region 2006- 2008.
  • Ahmed Mohamed Hassan, member of the Pan-African Parliament from Djibouti
  • Shire Jama Ahmed, inventor of the Somali script
  • Ali Matan Hashi, first Somali pilot, Commander of Somali Air Force 1959-1978, Minister of Justice,
Minister of Health " Mohamed Abdi Osman Ali oo ahaa la taliyaha Siyaasada Ee Farmaajo
  • Ahmed Warsame, head of the Somali Military Academy
  • Mohamud Hashi Abdi Hoosh, Jubba Regional Army Command 1980-1991
  • Mohammed Sheikh Adden, premier Somali intellectual and former head of Somali Technological Development, Minister of Information, Minister of Education, Head of the Ideology Bureau SRRC
  • Mohamed Mohamud Jango'an, Somali interior minister
  • Abdi Shire Warsame, former Somali Ambassador to Kenya and China and Former Foreign Affairs State minister in Transitional National Government
  • Abdullahi Ali Kooshin, former mayor of Buuloburde, Gaalkaacyo, Kismaayo and former Governor of Hiiraan
  • Adan-Dinix, prominent poet and leader
  • Gen. Omar haji Massale, Head Commander of Somali Military Forces 1960-1991
  • [[ Col. Xasan Deer. Gudoomiye Kuxigeenkii SNF hadana Xildhibaan Dawlada Soomaliya
  • [[ Gen.Yuusuf Dhuumaal Head Commander of Somali Military Forces federal Governmet of somalia TFG 2004-2010,General Advisor to the Somali Military 2011- present
Adan Shire Jaamac (Adan Low)President of the Somali Progressive Party in 1949 cadbi shire jaamac (fanaan somaliyeed ) Maxamud muumin xuseen Maxamuud garabeywuxuu ah nabadoon caanah wuxuu ahaa nin dhakhtar dhaqameedka aad u yaqaan MAANKAYGAY GADAYE MA MASAAR BAY LAQDAY NINKII LAGA MAQLAY AYUU AHAA,sabatna waxa ahayd dhakhtarnimadiisii ayaa la xujeeyey Hal geel ah ayaa la laqsiiyey masaar markaas ayey marba dhinac u jeesataa markaas ayuu yiri hasha maan kaygay gadaye ma masaar bay laqday. [Maxamed Xaashi cabdi][Madaxweynaha Maamul Goboleedka Bartamaha Soomaaliya] Xaaji yuusauf Muuse cali Gudoomiyihii golaha deegaanka 1979-1995 Beesha Cali Maxamed-Reer Muumin Dr.Cabdirashuud suufi Deerow Agaasime guud B.G.K.S Beesha cali maxamed Reer Muumin. Xildhibaan Maxamed Cali Cabdi Golihii dhexe X.H.K.S.Beesha Cali Maxamed Reer Reer sheekh COL.Maxamud Afmoos Beesha cali maxamed Reer Dhabancade Col.Cabdiweli sheekh Maxamuud Beesha cali maxamed Reer sheekh col.Xasan qurux Beesha cali maxamed reer sheekh Abaasador Axmed shariif sheekh Beesha cali maxamed Reer sheek