Thursday, February 11, 2016

Taariikhda Degmada Baledxaawo


  • Edit

Beled-Xaawo

Magaalada B/Xaawo Geography ahaan waxay Dhacdaa Waqooyiga Gobolka Caanka ah ee Gedo oo ah Gobolka labaad ee ugu Baaxada Weyn 18 Gobol ee Soomaaliya waa Goob halboowle & Laf dhabar u ah ganacsiga Koonfurta & Bartamaha Soomaaliya waan Goob kulmiso Ganacsato kakala Timid Soomaaliya Kenya & Ethopia Taas oo kor Uqaaday Hormarka ganacsi ee Magaalada kana yeeshay Goob loo soo beec geeyo Badeecooyin kala duwan Xadaarad Ahaan waa magaalo kulmisatay Dhaqamo Luuqada & Xadaarada Kala Duwan taas oo ilbaxnimadeeda Ka dhigtay Mid Cirka isku Shareertay ayna Dheertahay Magaalooyin Badan oo Taariikh ahaan kafac weynaa.
Barigii Barwaaqada & Dowlada ay Jirtay daqliga B/Xaawo kasoo xaroodo wuxuu ahaan Jiray 13.5% Isku celcelis Daqliga Guud ee 92-da dagmo ee ay Soomaaliya ka koobantahay uu Soosaaro Sida Ku qoran Sida Ku Qoran manhajkii dhaqaalaha dalka gaar ahaana Somali Ecconomic Gearaphy oo lagu qaato Fasalka 4aad ee Dugsiga Sare ( Form 4 ) oo Tixraac loola laaban karo Cidii Mugdi oga Jiro Taariikhda & Ahmiyada magaalada  Xiligii Gumaystaha Waxaa Kuyaalay Saldhigyo ciidan oo uu Gamaystaha ka Samaystay Walow markii danbi Si naf la caari ah uu Xiray Kadib Markii uu ka soo hoysan waayay Dhaqdhaqaayo Gobanimo doon oo Si Madax Banaan Oga Jiray Deegaanka Kadib Taas oo Bulshada Deegaanka ay kudiiday hamigii Gumaystaha ee Ahaa in ay B/xaawo kamid noqoto Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya ee uu Gumaystihii Ingiriiska Hadayada u siiyay Dowladii Kenya.
 Horaantii Todobaatameeyadi Waxaa loo gartay Inay Noqoto Xarunta Gobolka Gedo balse Moogica ay Dhacdo oo ah goob Kulmiso Wadamo 3 Dal darteed ayaa Muda kadib looga Wareejiyay Inay Sii ahaato Xarun Goboleed waxaana laga Qaaday Sandii 1985 Xiligaas oo Wafdi uu horkacaayo Dr C/qaadir Xaaji Massle oo Ahaa Wasiirkii arimaha Gudaha ay Magaalada u Yimaadeen inay ka wareejiyaan Xarunta Gobolka oo loo baahday in laga Dhigo Magaalada G/hareey oo dhacdo Ubucda Gobolka Laakiin Taa badelkeedi Waxaa wasaaradii Ganacsiga ay u Caleema Saartay Magaalada inay Noqoto Xarunta Ganacsiga Koonfur Galbeed Soomaaliya In waxaa Markaasbo ka  hana qaaday Suuqyo Xor ah oo loo Soo beec Gayn Jiray badeecoonyinka Dalka ( National
Production ) Gaar ahaana Dalaga & Qudaarta oo Kaalin Muuqato oga jiray Waxsoosaarka Dalka oo inta badan Ka imaan Jiray gobolo Khayraadkaas alle Kumanaystay 
 Balse aan haysan Meelay u beec Geeyaan Goboladaas waxaa Kamid ahaa Bay, & bakool oo Caan ku ah dalaga kala duwan ee dalkeena kabaxo sida Galayda Shamuurayda & Digirta waxaa ayaguno Badeecooyin Ubadan Qudaar u soo Dhoofin Jiray Gobolada Jubooyinka & 2Shabelle oo ku Caan baxay Dhinaca Qudaarta Goboladaas Waxaa la oran karaa Wax soosaarkooda inuu Kordho Gaarana Heersaro waxaa Sabab u ahaa B./xaawo oo Noqotay halka lagu kala badasho badeecooyinka Sidoo kalana Gobalada dalka ay ka helaan Waxay oga baahanyihiin wadamada Kenya & Ethopia oo Aan Ka xusi karo waxa ka imaado dhanka Kenya Joodariyaal, Saabuunaha, Qaadka  & Dawooyinka Caafimaadka lagu dabiibo halka Itoobiyana ay kayimaadaan Baradhada oo Ciriiri ku ah dalkeena Basasha Xawaajiga Toonta bunka & Guud ahaan Walxa Cuntada lagu Carafsado Waxaana kamaneen Badeecada Itoobiya Ka imaado Suumanka kabaha oo Nooca haraga ah Markaan Isku Soo wada Duuduubo Ahmiyada Ganacsi ee B/xaawo waa Soo dhoofin & sii dheefin Waxa Loogu Yeero Erey Bixinta Dhaqaalaha ( Import & Export ) Hasa ahaatee Magacaas & Muuqaalka Deegaanka B/xaawo & Qiimaha ay Bulshadeeda ugu fadhido waxaa diiday oo Miimka u Cuyskadaya Mayana Yiri waa kuwo aan garan dantooda & tan Deegaankooda Marwalibana Lasafan Cadowga alle & Kan Umada Soomaaliyeed Damiirkoodana uusan lahay Sariig Mar walibana waxaa loo adeegsadaa burburinta Deegaankooda Magac ahaan & Jir ahaan ay ku abtirsadaan laakiin Caqli ahaan Damiir ahaan & Wadaniyad ahaanbo aan la oran karin waa cadow mooyee kuwaanaa ka dhashay Bulshada La gumaadaayo lana Xasuuqaayo Colaadiha Iyo Siyaasadihii Soomaray Deegaanka B/xaawo :
Magaalada oo ah Goobta ugu bulshada Badan Gedo lehna ahmiyada Deegaan & mid Ganacsibo waxaa Soo maray Colaado daba dheeraaday oo daashaday Bulshada Deegaanka hadaan Dib uyara Jeleeco Colaadahaas waxay ahaayeen ku la isaga horkeenay Bulshada walaalaha ah ee wada dagto guud ahaan Gobolka gaar ahaan B/xaawo oo hubka la isugu dhiibay Dagaaladaas hadaaan intaa Xusuusto oon goob jooga u ahaa & intay Taariikhda ibartaybo aan Tixraac kusameeyo: Sandii 1977: waxaa magaalada Soo duqeeyay Ciidamadii Itoobiya waxaasa u babac dhigay Ciidankii qaranka oo Xero Militiri ku lahaa Duleedka Magaalada oo Jug waliboo lagu dhufto B/xaawo & dhul Xuduudeedka Gedo la leedahay Itoobiya Sida Deegaanka Dolow Jawaabteedi bixinaayay taas oo ka dhigtay Umuurta Qaniiyo Qaniiyaa kaa fujiso loogana nastay jugtii itoobiyo oo aan u turayn Bulshada Reer Soomaaliyeed ee Fiirinayso Dhibkii Soo gaaray Bulshadeeda ku dhaqan Gudaha dalkeeda oo waxyeelo ka soo gaartay Jawaabtii ay Ciidamadii qaranka Soomaaliyeed siiyeen. Sanadii 1991: waxaa Gabi ahaanbo Gobolka oo ay B/xaawo ku jirto la wareegay Ciidamadii USC ee uu horkacaayay Gen. caydiid & Isbahaysiyadii Ka soo horjooday Dowladii Soomaaliyeed B/xaawana waxaa kamid ahayd Goobihii Sida ba’an gacanta la iskula tagay oo Bulshada Deegaanka & Ciidamadooduba ay isaga Dulqaadeen Dulmigii USC ee ku salaysnaa Qabyaalada & Dowlad diidka Xiligaas waxaa Deegaanka Cardun ku ahaan oo Islamagaalada B/xaawana Xarun u ahayd Ururkii Somali National Front (S N F) oo Bulshada Deegaanka ay u dhisteen inay ku midoobaan waxaana Ka Tirsanaa Ururkaas rug Cadayaal Siyaasadeed oo Mug & Miisaan Culus kulahaa Siyaasada guud ee Soomaaliya waxaana Gudoomiyaha Ururka loo doortay
Cumar Xaaji Masalle oo ah nin Jagooyin kala Duwan ka soo qabtay Dowladihii
Soomaaliya ahna Xeerbeerti Dhanka Culuumta Caskariga ah Halka Gudoomiye K/Xigeenana Loo Doorta 3 Nin oo aan ka dhicin asaga oo Mug & Miisaanbo kulahaa Siyaasadii Soomaaliya oo kala ahaa:
1. Maxamed Cali Cabdi oo ahaa nin jagooyin kala Duwan kasoo qabtay Dowaldihii dalka
Soomaray Markii Ugu danbaysayna ahaa Gudoomiyaha Xisbiga hanti wadaaga Qaranka
Soomaaliyeed oo lahaa awood baarlamaani oo kale
2. Maxamuud Khaliif Shire oo asna ahaa Rug cadaa Siyaasi ah Jagooyin Qarana Soo qabtay
3. Dr Cali Nuur Mukhtaar oo ahaa aqoonyahan Siyaasi Mug weeyn Darajo aqooneedna Xambaarsanaa 
isla Xiliyadaas waxaa sidoo kale ka socday Deegaanka Dhaqdhaqaaqii Islaamiga ahaa ee Al-Itixaad oo awood ahaan & muuqasho ahaanbo ka sareeyay kii SNF waxay ku Guulaysteen inay Deegaanada Waqooyiga Gedo ee looyaqaano Daawo ka dhigaan Dhul nabdoon lehna Aasaasiyaadkii Bulshada Sida waxbarashada Caafimaadka & Adeegyadii gargaarka Bulshada oo Xiligaas ka soo kabanaysay Raadkii Colaadihii USC-da ee ka sii Muuqanaayay Deegaanka Ururkaasi waxaa Garwadeen ka ahaa rag u dhashay Bulshada Reer Gedo Waxaa Gudoomiye u ahaa Sheikh Maxamed Xaaji Yuusuf kuxigeena waxaa u ahaa Sh Maxamuud M Nuur raximahulaahu Calayhi Magaalada waxay ka hirgaliyeen Iskuul Hoose &  Dhexe oo lagu waday in loo sameeyo Dugsi Sare tayada Macalimiintaas oo u badnaa kuwii qaranka ayaa la isugu yeeray ayadoo Tasjiilaadka & Dhaqaalaha ku baxaayana uu ahaa mid laga keenay Bulshada Caalmaka Gaar ahaan Islamic Bank taas oo Bulshada Fursad u siisay Waxbarasho lacag la’aan ah ( Free Education ). Dhanka kale waxaa Jiray adeegyo caafimaad oo ayaguna lacag la’aan ah balse bartamihii 1996 ayaa Dowlada itoobiyo oo kadamqatay Hormarkaas & nadabada Deegaanka kusoo qaaday Weerar aan gabsho lahayn oo la oran karo waa aarsi salka ku hayo Jabkii Ciidamada soomaaliyeed u gaysteen 1977 ayadoo Deegaanka Dolow dhulka la sintay halka Luuqna ay Diyuurada ku rushaysay kumaysan sii dhiiran karin inay Joogto deegaanka oo ma aysan haysan Dhiiro galin kaga timid Bulshada Deegaanka oo maalin qura markay haysatay way kalaabatay deegaanadi ay soo weerartay oo qorshaheedu ma ahayn inay sii haysatee wuxuu ahaa carqal & qalqal galin Waxaa Markiibo Saaxiib helay rag ku dutinaayay Il boocbooc ah oo aan haysan Meelay Mucaawino karaadsadaan qasna lamaaganaa Dadkooda & doogaankooda waxaana Markiibi Gacan saar layeeshay Itoobiyo Garab kamid ah SNF oo uu hormuud u yahay Cumar Xaaji masalle halka Ragii ku xigeenada u ahaana ay ka biya diideen Gumaadka Reer Gedo Ciidamo ayuu uruursaday Tababar & Saanadna waa loogu deeqay Mudo kadib Markii uu dhamaaday Tababarkii cadowga uu ku duminaayay Nuurka & Nabada ka jirto Deegaanka waxaa soo Duulay Horaantii 1997 Ciidamo Soomaali ah & Itoobiyaan ladagaalamay Al-itaxaad oo Gobolka gaarsiiyay wax un hormar ah Maalintas oo Khamiis ku beegnayd Sabtidina aan isku diyaarinaynay Imtixaankii Termka ayaa Cagta lamariyay aydoo Maktabdo Dhoor ah oo Cilmi baarid loo tagi jirayna ay burburyeen gubeena agabkii Waxbarsho ee yaalay waxaa noo Curtay waa Cusub Waxaa noo bilooday Gumaytihii aan 37 Sano kahor Mudo ku beegnayd Maxaysa Dhaxleen Ragii Saaxiibka ka dhigtay Itoobiyo Gumaad Shacbi kadib ayagii ayaa midmid la isugu diray ilaa ay gaareen heer aysan qaadan karin talada Deegaanka ilaa Dablayaasha Itoobiya ay soo ansixiyaan Gunimadaas waxaa u dheeraa Gumaad lagu hayo dadkooda oo aysan kadamqanayn ayadoo Magacyo loo bixiyay ay Mid ahaayeen Copy Amxaaro halka Ninkii watayna loo bixiyay Cumar haadhig wuxuu waqtigi isguraba Dabayaaqadii waxaa daaqada ka baxay Gen/ Cumar Xaaji oo Si niyad Jab ah oga tagay B/xaawo dabayaaqadiii 1998 waxaa dhacay Shirkii Taariikhiga ahaa ee Dib u heshiisiinta oo ka dhacay Magaalad Ceelcado oo Bulshada Reer Gedo ay aayahooda oga tashnaysay la iskuguna keenay Ragii hubka iskala soo horjeeday Muda kadib waxaa Magaalada amin galab ah Abaare 4tii galabnimo Soo galay wufuudii Shirkaasi oo ay si wayn oga dhex muuqdeen Garabkii SNF uu horkacaayay Dr Cali Nuur iyo Nuur Mataan Biriq & Garabkii Al-itixaad oo aan loo Ogolayn Magaalooyinka Gobolka ayagoo Ay kamuuqato Diiftii Safarka Boorkuna qariyay wajiyadooda & Baabuurti ay wateen ayaa waxay Fagaaraha Saldhiga Booliska kula hadleen Dadkii ugu badnaa ee aan abid arko oo Reer B/xaawo ah oo ka qaybqaadanaayo Soodhawayn Ceenkaas ah Ayagoo ku hubaysnaa Caleemo qoyan Cagaarna ah Hooyooyinku afkooda kama Dhamaanayn Alalaaska Gacantooduna kama Daalayn Gurbaan tunka waxay ragii Sheegeen inay soo Afjareen Colaadii Gobolka Bulshaduna waxay Sugaysay Isbadal & Maamul hormar gaarsiiyo Maaase dhacay Subixii Xigtay ayaa Saraakiil itoobiyaan ah oo Kusugnaa Magaalada u yeereen Dr Cali Nuur iyo Nuur Mataan Biriq kuna amreen inuu kalaabto Heshiiskii Ceelcade waasa ka dhaga adeegay Kadib Taliskii ugu Weynaa ee Dolow ayay Warbixin Siiyeen waxaan Cali Nuur iyo Nuur mataan lagu amray inay Yimaadan Dolow waxaayna ka xaystayn Odayaashi dhaqanka oo uu  ku jiro Ugaas Cumar Ugaas Xirsi & Ugaas Sh Maxamed Xaadle & Siyaasiyiin Caan ah & Qaybo kamid ah Qurbojoogtii Magaalada itoobiyo waxay soo hordhigtay in laga noqdo heshiiskaas waasa lagadiiday waxaas cali Nuur iyo Nuur Mataan Biriq lagu qanciyay ka noqshada heshiiskaas oo ay ka dhaadhiciyeen Saraakil Itoobiyaan ah & kuwii SNF ee Diidanaa Nabada 7 bari kadi ayaa waxaa Shir isla fagaarihii B/Xawo ku qabtay Ciise Ugaas oo katirsanaa SNFtii Gacansaarka lala hayd Amxaarada & Dr Cali Nuur  iyo Nuur Mataan oo waji kale la soobaxay waxayna ku dhawaaqeen inuusan Heshiiskaas Jirin ilaa Al-itixaad Hubka dhigaan taasoo hal bacaad lagu lisay kadhigtay dadaalkii reer Gedo horaa Bilooyin unbaa kasoo wareegtay Marki ayagii Saaxiibka ay Amxaaro Qoorta isku galisay ila aaqirkii laba garab ay noqdaan waxaa Bishii April 1999 isku gacan saaray Xarunta kastamka Garabyo kala taabacsan Xaaji Yuusuf Muuse Cali & Xasan Deer oo kukala magacoownaa Gudomiyaalka B.xaawo & Dolow oo Siyaasad ahaan u janjeeray ninkii Biyaha La raaciyay ee Cumar Xaaji ahaa & Garab daacad uu ah Cali Nuur iyo Siyaasi Nuur Mataan Biriq oo taageero ka helaayo Itoobiyo waxa la isku haystayna waxay ahayd Mucaawino Dadka u socotay canshuur halaga qaado & Lagama qaadaayo waxaa goobtaas ku Ruqbaxay Cali Nuur G/k/xigeenkii SNF Xasan Ugaas G/Baardheere waxaana dhaawac Culus ka soogaaray Khaliif Qoryooleey oo Siyaasiyiinta Deegaanka kamid aha Amxaaradii intay Xabada dhacaysay Dhufeeskeedi kama soo bixin markii la isku faraxashayna waxay u timid inay Garab kamid ah ragii Dagaalamay hubka ka dhigto waxayna Xabsi ku Xukuntay Xasan Deer Gudoomiyhii Dolow aydoo qaaday Baabuur dagaal oo uu lahaa Xaaji Yuusufkii B/xaawo hubkana Kadhigtay Ciidamo uu watay Col C/risaaq isaaq biixi wixii Maalintaas ka danbeeyay waxay ahayd Halaagii Bulshada Reer Gedo Guud ahaan Gaar ahaana b/xaawo oo Xabad kaste ka bilaabanaysay1999-2003 B/xaawo waxay magan u ahad dagaalo wajiyo badan lahaa Kuligoodna ay & Itoobiya soo maleegtay balse Bulshada Deegaanka oo ka daashay isdil waxay go’aan ku gaareen inaysan marnaba Dhagaysan hadalka Itoobiyo Magaaladana waxaa ka hana qaaday Maamulo isxigxigay oo Si Jamaaci ah loo soo doortay waxaa Kamid ahaa Maamuladaas Aabaha nabada B/xaawo Gudoomiye Axmed M Yuusuf ( Burkuus ) oo si rasmi ah loogu xoola qalay looguna Caana Shubay Sanadii 2004 waxaa Magaalada Kajiray Guurti Nabadeed oo uu Hormuud ka ahaa Ugaas Xaadle Aabaha Nabada Deegaanada Gedo waxaa ka hana qaaday Dhaqdhaqaayo Bulshadeed Sida Ururo Dhalinyaro & Kuwo haween Nabadu waa Furaha Noloshee waxay socotaba waxay gaartay heer doorasho Xor ah ka dhacdo & Guud ahaan Gobolka oo dhan Sanadii 2007 waxaa hareeyay magaalada Olalihii Doorashada mamulka Gobolka oo la oran karo waa Goobta kaliya ee uu ka socday waxaa Darbiyaasha Ku xardhanaan Sawirada Raga utaagan Jagada Gudoomiyanimada Goobaha Wax lagu Daabacanawaxay la Ciirciirayeen Rag Qoranaayo C.V-yo waxaa dabayaaqadii Sanadkaas ay dadka Reer B/xawo u dareereen Codbixintii Gudoomiyaha Waxayna Si aqlabiyad leh u doorteen Golihi deegaanka ee Mataalay Bulshada Mudana Burkuus Nabadii ayaa sii istaagaty Hormarkii ayaana Sii balaartay balse 2009-kii ayaa waxaa magaalada Soo gaaray Firxadkii Ururkii Burburay ee Dooxada Jubba uuna Horkacaayo Barre Hiiraale wuxuu ka Codsaday Golihii Guurtida & Maamulkii Burkuusba inay Ku taageeraan Cudud Ciidan & Dhaqaale uu ku weeraro Kismaayo waasa laga diiday oo waxaa loogu Jawaabay Bulshada Reer Gedo waxaysan u dhamayn lagama Fulinaayo Baladxaawo waxaa Markiiba ku daba Jiray Dagaalyahanidii Alshabaab oo baacsanaayay asagii waxay la wareegeen Magaaladii maamulkii Burkuus wuxuu la hor istaagay Quwad & Qori waxaysa ka dhaadhiciyeen in nabadii uu keenay aysan marnaba baaba’ayn wuxuuna jagadii Gudoomiyanimada Ku badashay nabad waxaa isla sanadkaas soo weeraray Magaalada barre Hiiraale oo tagay ilaa & Garbahareey balse aan ku nagaan asaga iyo saaxiibadiis Itoobiyana Dib ayay oga soo baxeen, wixii inta kadambeyey magaalada waxaay gacaanta ugashay kooxda Alshabaab oo Maamuleysay mudo 3 sano waxaana magaalada soo weeraray ciidamada Ahlusuuna iyo ciidamada Dowlada Soomaaliya oo dhinac ah waxaana ciidamada Dowladda hogaaminayey Abaandule Maxamud Cabdi Nuur (Beexaani) waxaayna gacaanta kudhigeen magaalada Baledxaawo waxaana Dowladda Federaalka Soomaaliya Maamul kumeel gaar ah umagaacawday Nuur siyaax Xareed oo magaalada kusameeyey isbedel dhinacyo badan oo latabaan karo sida dhinaca Amaanka oo magaalada ay noqotay magaalo Nabadeed,intaas kadib dowladda Federaalka Soomaaliya Maamul Rasmi usoo magacowday Maxamud Abdi Nuur (Beexaani) oo sargaal dhinaca ciidamada ah oo qeyb weyn kaqaatay sidii ciidamada Kooxda Alshabaab loga ciribtiri lahaa dhamaan Gobaladda Soomaaliya, waxaan Xaflad Qurux badan oo xilalka lakula wareegayey lagu qabtay Gudaha Degmada Baledxaawo, waxaa kasoo qeyb galay dhamaan masuuliyiinta Gobalka Gedo,Qeybaha Bulshada,Aqoonyahanada,culumadiinka, Dhalinyaradda iyo Hooyooyinka waxaana meesha kahadlay Gudoomiyaha Degmada Baladxaawo Nuur Siyaax Xareed oo si Geesnimo leh ugu mahadceliyey Dowladda Federalka,Masuuliyinta Gobalka Gedo iyo qeybaha kale ee Bulshada asagoo ugu mahadceliyey wadashaqeyntii dhexmartay waxuuna meesha xilka ugu wareegiyey Gudoomiye Maxamud Cabdi Nuur (Beexaani) waxuuna ugu baaqay dhamaan Masuuliyiinta iyo shacaabka Degmada inay si fiican ulashaqeeyan Gudoomiyaha Cusub ee Dowlada Federaalka usoo magacawday Maamulka Degmada Baledxaawo, intaas kadib Maxamud Cabdi Nuur Beexaani waxuu iskugu yeeray dhamaan dadka deeganka una usheegay inuu maamulkiisa wax weyn kaqaban doono arrimaha amaanka iyo sidii uu kumideyn laha dadka deeganka oo marxaladdo badan oo dagaalo soo maray waxuu isbedel muuqda oo dadka deegan ugu riyaaqeyn kasameeyey Degmada Baledxaawo waxaana xusi  doonto Taariikhda, Gudomiyaha ayaa xilka kuwareegiyey Ex Xildhibaan Yusuf Kaanti oo hadda gacaanta kuhaya maamulka degmada Baledxaawo waxuuna si aad usoo dhaweyey Maamulka cusub dadka degaankana ugu baaqay inay lashaqeeyaan Gudoomiyaha Cusub.... Taariikhda waa mid sii soctoo............

Tuesday, February 2, 2016

Beesha Fiqi Yaquub oo kasoo horjeysatay Nidaamka 4.5.


Waxgaradka Beesha Fiqi Yaquub,Sade Darood  oo isugu yimid shir Tele-conferenka oo kasoo qeyb galayn dhamaan aqoonyahada siyaasiyinta dhalinyarada iyo Haweenka oo kukala Nool dhamaan daafaha dunida sida Africa,Australia,Asia,Europe iyo North America  ayaa kasoo horjeestay in dowladda soo socota sanadka 2016 lagu dhiso hanaanka qabiilka ah ee 4.5.
Waxay  beesha Fiqi Yaaqub Sade Darood ay waxaa kadigaayaan in Soomaaliya mar kale dib loogu celiyo in qabiil wax loogu qeybiyo ayna wanaagsanaan lahayd qaabka degmo oo ay u arkeen in xal wanaagsan uu yahay, waxaana kadigeeyn in fidno kadhalato nidaamka xaq daradda ah ee aan wanaagsaneyn. 
Nabadoon Abdulahi oo ka mid ah waxgaradkaasi kushiray Tele-conference ayaa sheegay inay muhiim Tahay in beelaha Soomaaliyeed ay hal meel ugasoo wada jeestaan Nidaamka 4.5 ee Xaqdarada ah.